Weeraro Bad iyo Barri ah ayaa nagusoo socda?

Somalia - Political Islam

Fursadaad Ku Jano Gali Lahay Ha Seegin Ee Al-Shabaab La Jihaad??

Gurnad-Al-Shabaab(Warkamaanta)Feb 07, 2020. “Qof walba oo Kismaayo iyo Jubbooyinka ku nool waxaan u Iclaaminaynaa Fursad Ajar ah oo ay helayaan dagaal dhan walba ah, Badda iyo Bariga ayaa bilaabmi doona dhawaan halaga qayb qaato.”

 

Al Shabaab Kismaayo “Weeraro Bad iyo Barri ah ayaa nagusoo socda waa in aan dagaal u diyaar Garoowno”.

(Kismaayo)-Ururka Al Shabaab ayaa magaalada Kismaayo uga dhawaaqay Xili Dagaaleed Cusub oo ay gelayaan gobalada Jubbooyinka kadib dhaq dhaqaaqyo Ciidan

oo lasoo sheegay Badda iyo Bariga Koonfurta dalka Somalia.

Gudoomiye Ku xigeenka Al Shabaab Gobolada Jubbooyinka ayaa Idaacad Kismaayo ku taal ka Iclaamiyay in Jubbooyinka ay maalmaha soo socda gelayaan dagaal Barriga iyo Badda ah sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Xusee Cabdi Geedi ayaa Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ugu baaqay Dagaal uu ugu yeeray “Jihaad” oo ay lagalaan Ciidamada Kenya iyo kuwa Somali NFD laga keenay ah oo dhawaan weerar kusoo ah Dhoobleey iyo Afmadoow sida uu Sarkaalkaasi hadalka u dhigay.

“Qof walba oo Kismaayo iyo Jubbooyinka ku nool waxaan u Iclaaminaynaa Fursad Ajar ah oo ay helayaan dagaal dhan walba ah, Badda iyo Bariga ayaa bilaabmi doona dhawaan halaga qayb qaato, Kenya dhalinyaro Somali ah ayay Waqooyi Bari kasoo Ciidamaysay Mareykanka Badda ayuu nagasoo weerarayaa ee walaalayaal kaca oo dagaalama”ayuu yiri gudoomiye Ku xigaanka Maamulka Shabaab Jubbooyinka.

Marka lagasoo tago Dagaalka ay Shabaabka Jubbooyinka Iclaamiyeen waxaa jira dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Badweynta India iyo Xadka Kenya, Shacabka magaalada Kismaayo ayaa shalay Indhahooda ku arkay diyuuradi Joog hoose ku duulaya oo dul maray Hawada magaalada.

Taliska Ciidanka Cirka ee NATO oo ku sugan Xeebaha Somalia ayaa lafilayaa in uu ka qayb qaato dagaal Cirka ah oo Islaamiyiinta Somalia looga salkiciyo Koonfurta dalka Somalia, weli Kenya kama Jawaabin Eedaynta uga timid Ururka Al Shabaab marrka lagasoo tago in ay qiratay Ciidan ay u Tababarayso Somalia.

Source:Sonna News

Add comment


Security code
Refresh

WM Weekly

Web Marketing

Somaliland

Latest Articles: Political Islam

Warkamaanta English

Somalia

Copyright © 2010 Warka Doorashada. All Rights Reserved.
Joomla! is Free Software released under the GNU/GPL License.