Hubka Qaata Kana Hortega Cadowga.
Written by Kawsar Nuur Sunday, 07 February 2010 06:24
Al-Shabaab Waxaa Noo Furmay Albaabadii Janada.
(Warkamaanta)Feb 07, 2010. "Sheekh Xuseen wuxuu intaa ku daray“Hadaba, Alle Mahadii markan waxaa inoo furmay Al-baab ka mid ah Al-Baabadda Janadda, Waana Al-baabka Jihaadka iyo Is-tish-haadka.”
Al-Shabaabka Kismaayo“Waxaan ugu Baaqeynaa Shacabka ku Nool Jubooyinka inay Hubkooda Qaataan kana hortagaan Cadowga Saliibiga ah”
Wilaayadda Jubooyinka ee Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ayaa ugu Baaqey Shacabka ku dhaqan Goboladda Jubooyinka inay Hubka Qaataan kana hortagaan Cadowga Saliibiga ah ee Islaamka ku soo duulay.
Gudoomiye ku xigeenka Wilaayadda Jubooyinka Sheekh Xuseen Cabdi Geedi oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Waxaan ugu Baaqeynaa Umadda Muslimka ah Guud ahaan, gaar ahaan Shacabka looga Bartay Jihaadka ee ku Nool Jubooyinka inay Hubkooda Qaataan kana hortagaan Cadowga Saliibiga ah ee Islaamka ku soo duulay”.
Sheekh Xuseen wuxuu intaa ku daray“Hadaba, Alle Mahadii markan waxaa inoo furmay Al-baab ka mid ah Al-Baabadda Janadda, Waana Al-baabka Jihaadka iyo Is-tish-haadka”.
Hadalkan ayaa imaanaya xili Xuduudaha u dhaxeeya Qeybo ka mid ah Jubooyinka iyo NFD ay Ciidamada Kenya Soo dhoobtay Ciidamo badan isla markaana ku qalabaysan Gaadiidka Dagaalka Noocyadiisa kala duwan.
Shalay Barqadii ayay ahayd markii Diyaarad Helicopter ah oo joog hoose ku socota ay kormartay Magaalada Kismaayo isla markaana ay Xabado ku rideen Maamulka Degmada Kismaayo inkastoo aysan haleelin.
Diyaaradaasi ayaa loo malaynayaa inay ka soo dul kacday Markab Dagaal oo taagan Badweynta Hindiya gaar ahaan meel u dhaw Xeebta Kismaayo, lamana sheegi karo Ujeedka Rasmiga ah ee ay u socotay.
Isku soo duuboo, Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo Bad, Bari iyo Cirba leh ayaa ka socda Koonfurta Soomaaliya oo inta badan ay Gacanta ku hayaan Islaamiyiinta Soomaaliya, waxayna wararka Qaar sheegayaan inay jirto Qorshe Dagaal oo ay isla wadaan Kenya, Itoobiya, Maraykanka, DKMG ah, Kooxda Sheegta Ahlu Sunnah Wal Jamacaa oo ku wajahan Dhamaan Gobolada ay gacanta ku hayaan Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul islaam.
Source:Somali Mirror

