Ciidamada Wadooyinka Muqdisho.

Somalia - War

Ciidamada Dowlada Soomaaliya Soo Dhigtay Wadooyinka

(Warkamaanta)Feb 06, 2010. "Afhayeenkii hore ee Ciidamada Daraasiishta ee ay horey DKMG ukala dirtay Afrax Cali Afrax oo la hadlayey Idaacada Shabeele ee Magaalda Muqdisho ayaa sheegay inay Ciidankaasi yihiin Askar kamida Ciidamadii hore ee Xooga dalka kuwaas oo ay dhawaan aruurisay DKMG."

 


DKMG oo Ciidamo soo dhigtay qaarkamida Wadooyinka Muqdisho.

Xalay ilaa shalay waxa qaar kamida Wadooyinka Magaalada Muqdisho soo buux dhaafiyey Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG iyadoona kuwa ugu badan la soo dajiyey Wadada Warshadaha gaar ahaan Warshadii hore ee Kabka ee agagaarka Kuliyada Jaalle Siyaad, waxayna Dowladu sheegtay inay askartaas ugu talagashay Sugida Amaanka Goobaha ay ka joogto Magaalada Muqdisho.

Qaar kamida Dadka arkay Ciidamadaas oo ay la xiriirtay Shabakada Warbaahinta Somalimirror ayaa sheegay inay arkeen Ciidamo Koox koox u socda oo aad u hubeysan kuwaas oo ku siiqulqulaya aagaga hore gaar ahaan Wada warshadaha.

Afhayeenkii hore ee Ciidamada Daraasiishta ee ay horey DKMG ukala dirtay Afrax Cali Afrax oo la hadlayey Idaacada Shabeele ee Magaalda Muqdisho ayaa sheegay inay Ciidankaasi yihiin Askar kamida Ciidamadii hore ee Xooga dalka kuwaas oo ay dhawaan aruurisay DKMG.

Waxa uu sheegay in hadafkoodu yahay Adkeynta Amaanka Goobaha ay Magaalada ka joogaan DKMG iyo Ciidamada AMISOM waxuuna intaa ku daray inay ka fiicnaan doonaan Ciidamadii hore ee dhaca iyo boobka u geysan jiray Dadka iyo Gaadiidka Wadooyinka Magaalada Mara.

Dhanka kale Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegay in Ciidamdaasi hadafkoodu yahay inay dagaal ka ridaan Magaalada Muqdosho ayna ka warheleen arikaas.

Dadka Magaalada ayaa Cabsi ka Muujinaya Ififaalaha Dagaal ee jira maadaama dhibaatada ugu badan Dagaalada Muqdisho Dadka shacabka ah ka soo gaaraan.

Source:Sonna News

Add comment


Security code
Refresh

WM Weekly

Web Marketing

Somaliland

Latest Articles: War

Warkamaanta English

Somalia

Copyright © 2010 Warka Doorashada. All Rights Reserved.
Joomla! is Free Software released under the GNU/GPL License.