Fura Wadooyinka Suuqa

Somalia - War

Suuqa Bakaraha Oo Xalay Dab Ka Kacay.

“waxaan isku dayaynaa in aan furno wadooyinka cariiriga ah ee Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho taas ayaana ah wax u qabad Dadkii hanti beelay iyo kuwa aan hanti beelin”ayuu yiri Cali Maxamed Xuseen.

 

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo Loogu Baaqay in ay Furaan Wadooyinka Suuqa si loogu Soo Gurmado

Muqdisho,  Dowladda KMG ah iyo dhinacyada ka soo horjeeda ayaa siyaaba kala gedisan uga Hadlay Dabkii xooganaa ee xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho oo ah suuqa ugu weyn Somalia.

Ururka Al Shababaab oo kamid ah dhincayada Hubaysan ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii kaalmo loosiin lahaa shacabkii ku ceyrtoobay Dabkii xalay ka kacay suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen Wakiilka AL Shabaab Gobalka Banaadir oo saxaafadda magaalada Muqdisho lahalday ayaa sheegay in Dabkaasi ay gaysteen wax uu ugu yeeray Cadaw oo uu ula jeeday dhinacyada kale oo ay dagaalka kula jiraan.

Al Shabaab waxay sheegtay in ay furi doonaan wadooyinka xiran ee Suuqa Bakaaraha si ay u fududaato in Gurmad loogu fidiyo Marka uu Dab ka kaco suuqa Bakaaraha magaalaa Muqdisho.

“waxaan isku dayaynaa in aan furno wadooyinka cariiriga ah ee Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho taas ayaana ah wax u qabad Dadkii hanti beelay iyo kuwa aan hanti beelin”ayuu yiri Cali Maxamed Xuseen.

Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam u qaabilsan gobalka Banaadir Macalim Xaashi ayaa isna sheegay in amaanka suuqa ay ilaalinayaan islamarkaana ay ku dadaalayaan in ay shacabka ugu qayla dhaamiyaan dadkii hanti beelay.

Dhinaca kale dowlada KMG Somalia ayaa iyana sheegtay in ay wax ka qabanayso dhibaatadii ka dhacda Bakaaraha, Wasiirka wasaaradda Dekadaha Dowlada KMG C/casiis Xasan Maxamuud ayaa Warbaahinta u sheegay in dowladu usoo gurma doonto ganacsatada dhibaatowday.

Hadaladan kasoo yeeray dhinayada kala gedisan ayaa kusoo aadaya xilli khasaara Maaliyadeed ka dhashay Dabkii xooganaa ee xalay ka kacay qaybta Shidaalka Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Source:RBC

Add comment


Security code
Refresh

WM Weekly

Web Marketing

Somaliland

Latest Articles: War

Warkamaanta English

Somalia

Copyright © 2010 Warka Doorashada. All Rights Reserved.
Joomla! is Free Software released under the GNU/GPL License.