Fagadhe: Celebrating His Life

WM Weekly - 7aad Kan

(Warkamaanta Dec 27, 2009) Wakiilkii Somaliland u fadhiyay Dalka Faransiiska Maxamed Saalax Nuur (Fagadhe) oo muddooyinkanba dalkaas ku xanuunsanayay, ayaa shalay ku geeriyooday Cusbatal ku yaala Magaalada Paris.

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Saalax Nuur (Fagadhe) ooh ore u ahaan jiray Wasiirkii arrimaha dibedda ee Somaliland, isla markaana ka hor intii aan xilkan Wakiilnimo aanu qaban ka mid ahaa Madaxda Xisbiga KULMIYE, ayaa in muddo ahba xannuun u jiifay Cusbatal ku yaala Magaalada Paris.

Sida uu toddobaadkan sheegay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Axmed Aadan Ismaaciil, Wasaaraddaas ayaa xilkan si ku-meel-gaadh ah uga wareejisay Marxuumka intii aanu geeriyoon, isla markaana waxay xilkaas u dhiibeen Madaxa Xafiiska Ganacsi ee Somaliland.

Madaxweyne Rayaale iyo Madaxda Axsaabta Mucaaradka, ayaa tacsi u diray guud ahaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Fagadhe. Waxaanay Ilaahay uga baryeen in uu  naxariistii janno ka waraabiyo.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Add comment


Security code
Refresh

WM Weekly

Web Marketing

Somaliland

Latest Articles: 7aad Kan

Warkamaanta English

Somalia

Copyright © 2010 Warka Doorashada. All Rights Reserved.
Joomla! is Free Software released under the GNU/GPL License.