Wasiir Hore Oo Ku Biiray UCID
Written by Kawsar Nuur Thursday, 24 December 2009 01:19
Ma waxaad ku biirtay xisbiga UCID?
(Warkamaanta December 24, 09)"Xisbiga UCID ayaan ku biiray oo ka turjumaya himiladii dalka, mudadii uu jiray wuxuu sameeyay horumar ballaadhan, sida ciidamada qaranka oo uu raashin iyo xoolo nool u geeyo, ardayda Jaamacadaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu la shiro."
“Wershadihii Aanu Dhagax Dhignay, Haddii Ay Wax Ka jiraan Dadkaa Arki Lahaa, Dabcan Been Ayaanu ..."
Hargeysa-Wasiirkii hore ee wershadaha Somaliland Md. Maxamed Saleban Weyne, oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ku biiray xisbiga UCID kana baxay xisbiga UDUB, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin wershadihii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Berbera dhagax dhigi jiray ee ay madaxtooyadu ku sheegi jirtay maalgelin shisheeye.
Md. Maxamed Saleban, oo uu Madaxweyne Rayaale dhawr bilood ka hor xilka ka qaaday, ayaa isagoo ku sugan magaalada Biristol ee dalka Ingiriiska, waxa uu sheegay inuu haykal ahaan burburay xisbigii UDUB, isagoo taas bedelkeedana sheegaya in dalku uu u baahanyahay xisbiga UCID iyo gudoomiyaheeda Faysal Cali Waraabe oo hoggaanka qabta. Waxa uu arrimahan iyo kuwo kale oo la xidhiidha mawqifkiisa isbedelay uu kaga hadlay waraysi uu xalay Wargeyska Geeska Afrika kula yeeshay khadka Telefoonka, kaas oo u dhacay sidan:
Ma waxaad ku biirtay xisbiga UCID?
Xisbiga UCID ayaan ku biiray oo ka turjumaya himiladii dalka, mudadii uu jiray wuxuu sameeyay horumar ballaadhan, sida ciidamada qaranka oo uu raashin iyo xoolo nool u geeyo, ardayda Jaamacadaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu la shiro, markaas UCID ayaan ku biiray oon hadda ka tirsanahay, dalkuna wuxuu u baahanyahay cid ku abtirsata himiladiisa, xisbiyadii kalena waxay noqdeen hebela ayaa KULMIYE ka soo baxay oo UDUB ku biiray. Markas cidda rabitaankii umadda ku abtirsanaysa waxaan u arkaa inuu yahay xisbiga UCID.
Markaas UDUB miyaad ka baxday?
Haa, waan ka baxay.
Ka waran xisbigii UDUB ee aad hore uga tirsanaan jirtay?
UDUB xisbi ma jiro oo raggii labaatanka sannadood la soo jiifay ayaa laga dul keenayaa kuwo cusub oo waadiga arkaya oo Cismaan-Hindi, Cali-Gurey iyo Jug soo dhacay [Wuxuu u jeedaa xoghayaha UDUB] ayaa dibadda laga keenayaa, taasina xisbinimo maaha. Markaas haddii aanay xisbinimo jirin, xisbiga maanta aragti leh ee barnaamij siyaasadeed leh ee shacabka xidhiidhka la leh ee isagoon xukun qaban umadda wax tarayaa waa UCID. Uma baahnin magacyo ee dalku wuxuu u baahanyahay isbedel wax ku ool ah oo umadda rabitaankeeda ka turjumaya, xisbiga diyaarka u ahina waa UCID.”
Markaas ma waxaad leedahay dalku isbedel ayuu u baahanyahay.?
Dalku isbedel ayuu u baahanyahay, isbedelka uu u baahanyahayna maaha daaqadaan kaa soo saarayaa iyo ka soo bixi maayo ee waa isbedel sharciyadii dalka dhawrta oo qawaaniinta tixgelisa oo rabitaanka iyo danta gud ee umadda ku shaqaysa.
Waagii dhawaa ee uu Madaxweynuhu xilka ka qaaday horta maxaad isku seegteen?
Dooni maayo inaan taas maanta ka hadlo oo dherigii aan wax ka walaaqayay ee aan malqacadda u siday ka hadlo, laakiin waxaan arkaa inaanu xisbi UDUB la yidhaahdaa jirin oo dadkii xisbiga wax ka aasaasay iyo kuwii intii uu jiray la soo jiifay ayaa cisho walba kuwo cusub laga dul keenayaa oo waxaad arkaysaa inay tahay makhaayadihii inanka shaaha dhig-dhiga kolba la bedeli jiray, markaas waxaan u arkaa in labada xisbi ee maanta jiraa inaanay ka turjumayn rabitaankii umadda iyo himiladii guud ee ay umadu lahayd, laakiin cidda ka turjumaysaa waa xisbiga UCID. Waad aragtaayoo guddoomiyaha UCID marka uu dibadda u baxo dawladaha dunida ayuu kala hadlaa Somaliland oo uu jaamacadaha Somaliland lacag uga raadiyaa.
Maxaanu kaaa gaadhsiinaa Madaxweyihii aad hore golihiisa uga tirsanayd, saaxiibadaadii golaha iyo xisbigii UDUB?
Waxad iga gaadhsiisaa in wadanku u baahanyahay isbedel Dimuqraadi ah oo sharciyadda iyo rabitaankii uamadda ku salaysan, waxay umadu u baahantahay wax rabitaankeeda ka turjuma.
Waxa lagaa soo xigtay inaad tidhi wershadihii uu Madaxweynuhu dhagax dhigi jiray been ayay ahaayeen. Taasi ma sidaas ayay u jirtaa?
Dabcan been ayaanu sheegaynay, haddii aanu run sheegayno waxbaa ka muuqan lahaa wershadahaa aanu dhagax dhignay.
Oo ma waxaad leedahay waxbaba kama jiraan?
Haddii ay wax ka jiraan saw dadku ma arkeen. Arrintu siday doonto ha ahaate, haddii wax runi jiraan dadkay u muuqan lahayd oo hortooda ayay iman lahayd.
Source: Wargeyska Geeska Afrika


Comments
Waa Guul
C/Raxman (Gan)
RSS feed for comments to this post.