Fistula Hospital Borama

Fistula Hospital Borama - Hospital News

Fistula Hospital

Dr. Ibrahim QawsMarar badan dalkeena ilmaha iyo hooyadiiba way isku dhintaan oo way israacaan. Waa arrin naxdinleh oo dalkeena ku badan. Waxaa kale oo Dr. Walhadfoosha adkaata ka yimaada, oo aan dhimashada waxba dhaamin, waa cudurka la yihdaa Fistula. Fistula waa dalool. Dumarka qaarkood markaa ay dhalmadu ku adkaato oo ay fooshu raagto, ilmuhuna soo bixi waayo, ayaa waxa iskufurma kaadi haysta iyo ilmomareenka. Markaa gabadhii ay taasi ku dhacdo kaadidu isma taagto ee way socotaa marwalba, habeen iyo dharaar.

Amaba waxa isku furma ilmo mareenka iyo saxarada. Markaasna qofkii dumarka ahaa saxaradu si joogta ah ayay uga socotaa, oo marna ma joogsato. Dabcan qoftii xanuunkaa qabtay urtayda loo ma Imaha Jidkiisiiadkaysan karo.

Amaba kaadida, iyo xaarka iyo ilmomareenka ayay intuba isku furmaan. Markaana qofkii dumarka ahaa kaadiyina isma taagto, saxaraduna had iyo jeer way ka socotaa.

Fistula waa cudur dhalmadda adkaata ka yimaada. Wuxuuna ku dhacaa intabadan hablaha iyaga oo yar laguursado, amaba dhalma ugub ku ah.

Xanuunka Fistula waa la iska dawaynkaraa. Qofkii dumarka ahaanna sharaftayda way la soo noqon kartaa. Laakiin dawayntiisu waxay u baahantay qalmo aad u adag, takhasus sanado badan qaatana u baahan. Waa qalniin aan laga aqoon afrika intayda badan. Borama, Addis Abbaba, K. Africa iyo Congo uunbaan ogahay in qaliinka noocaas ah laga samayn karo. Magaalada Borama ayaa haddaba Nasiib u yeelatay inay dhisto Cisbitaalkii ugu horeeyay ee Fistulaha.

Arrintaana waxa ka shaqeeyey iskunna duba riday, kana midho dhaliyay Dr.Qows. Waxan dhinac qabtay oo ku gargaaray kuna dhiiriyay Dr. Walhad. Labada Dhakhtarba mahad weyn oo aan la goyn karin ayay ummadda ku leeyihiin.

Fistula

Fistula Hospital

Add comment


Security code
Refresh

UCID On Twitter

Web Marketing

WM Weekly

Warka UCID

Faysal & Maanta

Warkamaanta English

Somalia

Copyright © 2010 Warka Doorashada. All Rights Reserved.
Joomla! is Free Software released under the GNU/GPL License.