17-Dhaqtar.
Written by Kawsar Nuur Sunday, 25 July 2010 03:28
17-Dhaqtar oo ka qalinjabisay Jaamacada Hargaysa.
(Warkamaanta) July 25, 2010. Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo ka mid ah aqoonyahanka Xaga Caafimaadka ee Somaliland ayaa iyana ka warantay baahida ay Somaliland u qabto in la helo meel lagu barto caafimaadka.
17-Dhaqtar oo ka qalinjabisay Jaamacadda Hargaysa
(Garowe, 24 Jul 24, 2010) Xaflad balaadhan oo shahaadooyin lagu gudoonsiinaayay 17-Dhakhtar oo ka qalin jabiyay Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacada Hargeysa ayaa xalay lagu qabtay Hotel Maansoor.
Xafladan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay Mas'uuliyiinta Jaamacada Hargeysa, marti sharaf badan oo ka kala socday qaybaha bulshada iyo ardayda iyadu qalin jabinaysay.
Ardadii ka qalin jabisay University of Hargaysa
Hadal uu halkaasi ka jeediyay Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Prof. Xuseen Cabdilaahi Bulxan ayaa waxa uu ka sheekeeyay heerarkii kala duwanaa ee ay ardaydani soo mareen Mudadii ay u socotay waxbarashadu, waxana uu sheegay in ay markii hore ahaayeen qaar intan ka badnaa balse ay soo kala hadheen oo aakhirkii 17 isugu soo hadheen.
Waxana uu sheegay in ay mudo 7-sano ah soo baranaayeen dhakhtarnimada ILAAHAY Mahadiina ay maanta soo gaadheen heerkan ay dhamaysteen kooraska.
Ardadii ka qalin jabisay University of Hargaysa
Mubaarik Ibrahim Aar oo ka mid ah macalimiinta Jaamacada Hargeysa ayaa isna ka waramay qiimaha caafimaadku u leeyahay Bulshada, isagoo kula dardaarmay ardayda qalin jabisay in ay bulshadooda u naxariistaan isla markaana si hufan ugu shaqeeyaan.
Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo ka mid ah aqoonyahanka Xaga Caafimaadka ee Somaliland ayaa iyana ka warantay baahida ay Somaliland u qabto in la helo meel lagu barto caafimaadka. Waxana ay sheegtay in haatan Somaliland ay saartay dhabaha horumarka lana filaayo ayay tidhi in mudo kooban somaliland gaadhi doono horumar buuxa.
Waxa kale oo ay sheegtay in Dhakhaatiirtani yihiin kuwo leh aqoon iyo khibrad fiican isla markaana bulshadu kalsooni buuxda ku qabi karto.
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Mr. John oo ka mid ah mas'uuliyiinta Jaamacada Kingston College ee magaalada London oo amaan buuxda u jeediyay walidiinta iyagu ardaydoo sida fiican wax u soo baray mudadaasi dheer.
Gabo gabadii waxaa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ardaydii iyagu waxbarshada dhamaystay oo noqotay dufcadii ugu horeysay oo ka qalin jabisa Kulliyada Caafimaadka ee Jamaacada Hargaysa.
Maxamed Jamaal, Garowe Online
Hargeysa

