Aqoonyahanka Madaxa-banaan.
Written by Kawsar Nuur Friday, 23 July 2010 10:46
Shacabka Somaliland Waxay Codkooda ku Muujiyeen Rabitaanka Isbeddel iyo Dimuqraadiyad
Hordhac:
18kii bisha July, 2010, kooxda Aqoonyahanka Madaxa-banaan ee Somaliland ayaa shir isugu timi ay ku falanqeeyeen talada ay siinayaan dawladda cusub ee la doortay ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdirahman Cabdillahi Seylici.
Shirka waxaa qabtay Machadka Cilmi-baadhista Bulshada iyo Horumarinta (SORADI), Waxaana hagayey Agaasimaha SORADI, Dr. Maxamed Cismaan Fadal. Kooxda Aqoonyahanku (ISG) waa xubno muddo-dheer ka soo qayb-qaatay taxanaha dibu-dhiska iyo dimuqraadiyeynta Somaliland, waana dad karti u leh gorfayn dhab ah xeeladaha lagu furdaamiiyo iyo tabaha lagu abbaari karo arrimaha taagan.
Xubnaha kooxda Aqoon-yahanku waxay kala yihiin: Cabdi-Shakuur Sh. Cali-Jawhar (Dhakhtar maskaxda iyo siyaasad gorfeeyha haga warkamaanta.com); Amina Maxamuud Warsame (Agaasimaha Fulinta NAGAAD), Xil. Cabdilqaadir X.Ismaaciil Jirde (Gud. Ku-xigeenkii hore ee G. Wakiillada), Shugri X. Ismaciil (xubin Komishankii hore, kana tirsan Golaha dimuqraadiyadda Afrika, ahna Guddoomiyaha hay’adda Candle Light), Xil. Ibrahim Jamac Cali- Reyte (Xubin G. Wakiillada, iyo Garyaqaan); Fawsi Aw Yonis (GAryaqaan, Ururka Qareennada Somaliland); Cabdi Axmed Nuur (Xubin hore ee G. Guurtida, Sarkaal hay’adda FOPAG); Bobe Y. Ducaale (Xidhiidhiyaha Cilmi Baadhista-APD); Haroon X. Axmed Qulumbe (Aqoonyahan, ha’adda SORADI); Jacfar M. Gaddaweyne (SONSAF); Moxamed Xasan Ibrahim (Cilmi-baadhe-APD); Sucaad Ibrahim Cabdi (Cilmi-baadhe-APD); Wacays Muse (Agaasimaha Fulinta SAMATALIS); Dr. Maxamed Fadal (Agaasimaha SORADI); Muse Cabdi (Dhiinka arrimaha Waxbarashada-Jaamacadda Hargeysa); Yuusuf Kaariye-PhD(Cilmi-baadhe Athropologist ah).
Waxaa Ammaan mudan Ciddii Guushan oo dhan Xaqiijisay:
Kooxda Aqoonyahanku waxay ku hambalyaynayaan shacabka Somaliland Guusha Doorashadii Madaxtooyada ee la qabtay 26 Juun 2010. Kooxdu si toos ah ayay uga qaybqaateen geeddi-socodkii doorashada heerarkii ay soo martay ee lagu gaadhey guusha iyo dhibaatooyinkii jidkaasi lahaa. Kooxdu waxay bilaabeen gorfaynta caqabadaha horyaal doorashada madaxtooyada bishii March 2009. Kooxdu kala kulmeen cadho iyo ku qancid la’aan dhinacyada daneeyeyaasha qaarkood markay qoraal soo saaraanba.
Kooxdu waxay soo dhoweeyeen heshiiskii xisbiyada siyaasigu gaadheen ee bishii May 2009, si loo qabto taariikh doorasho; waxay kaloo kooxdu soo dhoweeyeen saxeexii xeer anshaxyo dhawr ah iyo heshiisyo dhex maray daneeyeyaasha muhiimka ahee doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Maanta, Kooxda Aqoonyahanku waxay ammaanayaan xisbiyada siyaasiga sidii xalaasha ahayd ee ay u ololeeyeen, iyo asluubtii taageerayaashoodu muujiyeen ololihii iyo maalintii codayntaba.
Waxaannu ugu horrayn u hambalyaynaynaa Komishanka oo xilkiisii u gutey si hufan kuna guulaystey in ay ka gudbaan caqabado badan oo la soo dersey. Sida hawshaasi looga soo dhalaalay waxay halbeeg u tahay kobcinta dhaqanka dimuqraadiga ah ee Somaliland. Waxaannu kaloo hambalyo iyo mahadnaq u jeedinaynaa beesha caalamka oo u dulqaatay meermeerka siyaasadeed ee loo soo maray taabbogelinta doorashadan. Waxaannu u mahadnaqaynaa goobjoogayaashii caalamiga ahaa ee isasoo diray.
Mahadnaq gaar ahi waxay u kaydsan yihiin dawladaha Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska siday u soo dhexgaleen waqtigii habboonaa oo suurtogeliyeye in habsocodkii doorashada tubtii lagu soo dabaalo bishii September 2009. Waxaa kaloo si gaar ah xusid u mudan ha’adda Interpeace oo taageero farsamo bixisay si doorashadu u suurtogasho.
Bulshada rayidka ee Somaliland waa in ay u hanwaynaadaan doorkoodii guushan taariikhiga ah
Aqoonyahanku waxay u mahadnaqayaan Madaxwaynaha talada ka sii degaya, Dahir Rayaale Kaahin oo taariikh u dhigay in si nabad ah nadaamna leh loola kala wareego awoodda. Kooxdu waxay soo dhowaynayaan Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo ku-xigeen kiisa Abdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo shacabka Somaliland ku sharfeen doorashadooda si ay u hoggaamiyaan 5ta sano ee soo socota . Waxaannu ku ammaanaynaa xisbiga Kulmiye sidii xirfadda lahayd iyo tusaalihii ay hawlaha ololahooda u abaabuleen.
Dadku waxay u Codeeyeen Isbeddel, Balse Isbeddel noocee ah?
Waxaan aamminsan nahay in codka dadku aad u dheer yahay si fiicanna looga maqlayo Maamul wanaag iyo dimuqraaddiyad.
1. Shacabku waxay u codeeyeen isbeddel lagu baadi-goobayo aragti qaran oo reer Somaliland ku hirtaan, isla markaana hagta si ay u xoojiso niyada dadaalkooda dhismaha galladaysan caddaaladna ku dhaqata.
2. Dadku waxay u codeeyeen xukuumad tayo leh, oo masuuliyiinteedu ku sifoobaan hufnaan iyo karti xirfadeed ,hawl- wadeenno hal-abuur leh diyaarna u ah inay waajahaan caqabadaha rasaysan ee sugaya.
3. Dadku waxay u codeeyeen xukuumad u dhego furan. Dadku waxay rabaan xukuumad u dheg nugul baahiyahooda, waxa ay danaynayaan iyo in aan lagu amarku-taaglayn kuna dhaqanta sharciga.
4. Dadku waxay u codeeyeen xukuud waxku-ool ah, ayna ka muuqatu wada shaqayn gudahooda ah, iskaashi iyo laamaha dawladda oo kala madax-bannaan.
5. Dadku waxay u codeeyeen in laga gudbo dhaqanka musuqa oo loo maamulo hantida guud si daacad ah oo sharciga la mariyo ciddii ku takrifasha.
6. Dadku wacxay u codeeyeen in lagu dhaqmo ditoorka qarankaiyo in hay’adaha sare ee dawladda doorashadoodu muddo dhaafin oo ay sharciyad ku dhisnaadaan
Kooxda Aqoonyahanku waxay soo jeedinayaan in mudnaanta waxqabad la siiyo arrimahan
Kooxdu codkooda ku kordhinayaan talooyinka iyo soo jeedimaha ku qulqulaya madaxweynaha cusub annagoo eegayna arrimaha soo socda:
Dakhliga:
Dakhli yaraanta dawladdu waa caqabad mar kasta Somaliland haysata welina way jirtaa. Aqoonyahanka waxay la tahay si xukuumadda cusubi wax uga qabato filashada muwaadiniinta waa in ay heshaa khayraad horumarin lagu hirgeliyo. Maaha in waqti badan la iskaga lumiyo dakhli sannadeedka $40 ka milyan ah. Waa in la iswaydiiyaa sidii loo ballaadhin lahaa aasaaska dakhli ee dawladdaa.Ugu horrayn in la beddelo dakhli lunsiga baahay ee ka dhaca goobaha cashuur ururinta, waa in dadka cashuuraha qabta mushahar ku filan la siiyo si lyagana loo xakamayn karo.
Ta labaad, Muddo dheer Waxaa culayska la saarayey wax-dhoofinta iyo soo-dejinta. Waxaa ka mid ah xoolo dhoofinta oo culays cashuuro kala duwani ee heerarka xukuumaddu saaran yahay, noolamana muuqato macquulnimo kordhin dambe.
Qaadka ayaa ah badeecadda kale ee dakhli joogto laga helo. Waxaannu u aragnaa in la kordhin karo dakhliga qaadka si loo dhimo waxyeellediisa. Sidoo kale soo dejinta sigaarka waxaa ka bañnaan dakhli. Waxaa la ogyahay meelaha sigaar ugu cashuur yar yahay uguna jaban yahay. Waxaa isweydiin leh sababta dhiirrigelintaas aynu u siinay sigaarka iyadoo dunidu isku raacday in lala dagaallamo. Ilo dakhli muhiim ah oon laga faa’iidaysani waa cashuurta dakhliga qofka iyo shirkadaha, waxaana weli meesha ka maqan habraacii lagu cashuuri lahaa. Waxaa iyyana u bañan Xukuumadda cusubi in ay feegto cashuuraha la yidhaahdo oo iibka la saaro (VAT). Cashuurta hantida ayaa iyana si aad u hoosaysa looga faa’iidaystaa.
Kordhinta dakhliga kaabayaasha ka soo xerooda ayaa laga filayaa xukuumadda cusub. Dekedda Berbera iyo Baanka Dhexe waa laba ilo dakhli oo muhiim ah dhinaca horumarinta dhaqaalaha aadna aan looga faa’iidaysan, loona baahan yahay in xukuumaddu liishaanka saarto si ay saldhiga dakhliga u ballaadhiso.
Ammaanka:
Ammaanku waa arrin mudnaantiisa u leh Somaliland, gudaha iyo gobol ahaanba. Dhinaca gudaha, gobollada sool iyo bariga Sanaag xaalkoodu waa arrin mudan in hoos loogu gonda- dego Somaliland waxay ku dhisantay wada-hadal iyo wada-xaajood iminikana tiibaa Heli loo baahan yahay.
Madaxwayne Siilaanyo wuu kaga sanqadhiyey siday uga go’an tahay wada-hadal uu ka galo gobollada bariga. Xaaladdu siday hadda tahay wax la aqbali akro maaha laba sababaood dartood: dagaal joogto ah oo ciidanku ku jiro dhaqaale ahaan waa culays aan la xamili karin mana aha in in indha laga qarsado, waxaa kaloo jirta in aanay macquul ahayn in deegaano dhan dadkoodii ka qatanadaan horumarka dalka intiisa kale ka socda. Sidaasi darteed, xukuumadda la doortay waxaa looga fadhiyaa jid kasta oo ay u martoba xal si kastoo suurto gal ah.
Waxaa kaloo jira hawlo aan dhammaystirnayn sida khilaafka Ceel-bardaale, khilaafyo huursan iyo arrimo khilaafyo si fudud uga iman karo sida dhibaatooyinka dhulka. Arrinta hore waa in si degdeg ah wax looga qabto. Haddii ay sii jirto, waxay keeni kartaa in xoogag kale ka faa’iidaystaan si dalka degganaansho la’aan loogu abuuro.
Dhinaca Maamulka:
Xisbiga Kulmiye wuxuu xaqiijiyey guul uu ka helay tiradii ugu badnayd codbixiyeyaasha marka la barbardhigo xisbiyadii kale ee la tartamayey, waxaana looga fadhiyaa inuu bulshada oo dhan hoggaamiyo iyadoon cidna la faquuqin. Kooxda aqoonyahanku uma jeedaan in xilalka lagu qaybiyo saami beeleed, waxaase liishaanku saran yahay in xukuumadda cusubi tixgeliso aragtida shacabka. Waxaan rumaysannahay in madaxweynaha la doortay leeyahay aqoon iyo waayo-aragnimo uu ku furdaamiyo xaaladda.
Xaddidnaanta habka xisbiyada badan ee Somaliland wuxuu koobayaa tayada dimuqraaddiyadda. Waxay ahayd arrin muhiim ah in Kulmiye ballan qaaday, suuqyadana inta badan laga hadal hayaa hadduu hoggaaminta ku guulaysto inuu fasixidoono in xisbiyo siyaasi ah la furan karo. Arrintaasi uma soo jiidin Kulmiye taageero keli ah balse waxay kaloo muujisay siday Kulmiye uga go’an tahay barbaarinta dimuqraaddiyadda Somaliland, taasina waxay meesha ka saari doontaa caqabad siyaasadeed oo jirtey haddii la hirgeliyo.
Wax ka beddelka distuurku waxay u baahan tahay dodo bulsho iyo sulux, waxaase waqtigan la adeegsan karaa abbaar kale oo si toos ah looga gudbi karo waana in Xeerka doorashada Golaha Deegaanka la raaco ayna ururro siyaasadeed tartamaan.
Arrin kaloo muhiim ah oo madaxweynaha laga filayaa wuxuu yahay in Baarlamaanku soo saaro xeer doorasho/xulid/ama magacaabid Golaha guurtida. Weli dhegaha dadka kamay bixin hadalkii Guddoomiyaha guurtidu ka sheegay munaasabaddii Maansoor looga dhawaaqay natiijadii doorashada baahida loo qabo xeerkan. In kastoo ay u muuqato arrin degdeg ah, haddana waxay kooxdu kula talinaysaa madaxweynuhu inuu talada badsado, uuna weli fursad u haysto badsado six al la isla oggol yahay la isula meel dhigo.
Maamulka Xukuumadda:
Shaqaale dawladeed oo xirfad leh, habraac maamul, nidaam lagu dhaqmo, siyaasad maangal ah oo aad loooga baaraandegey iyo himilo bartilmaameed lehi waa arrimo aad looga baahan yahay maamul xukuumadeed tayo leh. Shaqaalaha dawladda ee Somaliland waxaa loo baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo, laguna soo rogo tartan iyo abaalmarin goobaha shaqada iyo marka la qorayoba. Waxaa kaloo loo baahan yahay isbddel dhaqan iyo anshax shaqo oo la beddelo tayada shaqada iyo waqtiga kooban ee la shaqeeyo.
Adeegyada Dawlaha Hoose lama siiyo mudnaanta ay leeyihiin. Heerkan xukuumadeed dadka ayuu u dhaw yahay, waana Inuu u dhego nuglaado baahiyo maalmeedkooda taasoo aan hadda jirin. In casto ay Distuurka Somaliland si cad ugu qeexan tahay mabda’iyan iyo nidaam ahaanba daadejinta maamulka, haddana si dhammaytiran looma hirgelin. Madaxweynaha cusub iyo maamulkiisu waxaa looga fadiyaa inay saxaan dheelliga awoodeed ee labada heer maamul haddii la rabo in si hufan loo hirgeliyo adeegyo macno leh. Arrinta werwerk lihi waa in loo socdo korku-ururinta maamulka oo aan loo socon daadejinta maamulka. Dawladihii Hoose waxay maanta si aan hore loo arag u hoos galeen Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Waxaa kaloo jirta, in hawlihii dawladaha hoose noqdeen maamul ku kooban Maayarka ama Duqa degmada. Awoodda dakhli ururinta iyo kharajku gacanta duqa ayay ku jiraan labaduba.
Kobcinta Dhaqada:
shaqo abuurid macno lehi waxay ka timaadaa dhinaca lahaanshaha gaarka ah, in badanina kama timado dhinaca lahaanshaha guud. Dhallinyaradeenna waa in loo diyaariyo siday ugu shaqayn lahaayeen shirkadaha gaarka ah.
Arrintas macnaheedu waa in nidaamka waxbarasho u diyaariyo ujeeddada soo saaris sácale aqoon tayo leh. Si loo soo jiito maalgashi caalami ah,waxaa iyana loo baahan yahay kaalinta dawladdu oo ah in ay abuurto jewi iyo sabo ku habboon maalgashi. Caalamka maantu waa u tartanka khayraad maalgashi kooban, waana in aynu u diyaargarawno waynu karnaaye.
Waxaa intaas dheer, Waxaynu u baahanay inay aynu hagaajino qayba dhaqaalaha hadda jira. Xoolo-dhoofinta Soomaalidu kuma korto monobooliyad ama in cid gaar ahí xuurto ku qabsato. Taariikh ahaan waxay ku soo jirtey ganacsi furfuran ama debecsan kuna tiirsanaa qiyam dhaqan oo ku salaysan aamminaad sayladeed.
Dhinaca kale, waa ganacsi tartan aan habaysnayn ku socda xagga dhoofinta. Doorka xukuumaddu waa habaynta ganacsigaas si loo yareeyo tartanka taban ama aan horumar keenayn, laakiin waa in laga digtoonaado in aan la cabudhin taasoo keeni karta in aynu lumin awooddeennii tartan ee gobolka. Qayb kale ee dhaqaaluhu waa dhinaca adeegyada castiga ah. Isgaadhsiinta, xawilaadda lacagaha, hoteellada, diyaaradaha, sharaabka iyo noocyo kale ee wershadaha fudud una baahan in gacan la siiyo loona sahlo nidaamna loo dejiyo si ay u dhalin karaan shaqooyin tayo leh.
Waxaa iyana aan la dhayalsan karin doorka ay koritaanka dhaqaalaha iyo shaqo abuurista ay ku leedahay lacagta qiimaheedu deggan yahay. In lacagta Somaliland la gaadhsiiya dalka daafihiisu waa arrin muhiim ilaa iminka lagu guul darraystay sugaysana dawladda cusub
Talooyin.
1. Aragti Qaran:
Madaxweynaha waxaa looga baahan yahay in uu isku dubbarido qaranka si looga faa’iidaysto tamarta iyo rabitaanka shacabka ee keentay guushii doorashada nabadgelyada ku qabsoontay si loo dejiyo aragti qaran iyo himilo lagu dhiso bulsho hodantinimo, caddaalad iyo talowadaag ku salaysan.
2. Xukuumad cusub:
1. Dhismaha xukuumad cusub iyo siday u shaqaynayso waxaa la filayaa in ay noqoto mid hal-abuur leh si looga faa’iidaysto khayraadka dihin ee dalka loona abbaaro caqabadaha badan ee ina sugaya.
2. Dhismaha xukuumad u wada shaqaynaysa koox ahaan si hawluhu u socdaan.
3. Dhisme nidaamo shaqo: liishaanka dhisme nidaam maaliyadeed guud, maamul iyo maarayneed heer qaran iyo hooseba. Raadinta taageero farsamo sida la taliyeyaal la waydiisto beesha caalamku waa muhiim.
4. Garsoorka:
Dhibaatada garsoorka Somaliland waa arrin soo jireen ah, waxaana dhici karta in aan si fudud lagu dawayn karin. Hase yeeshee, Madaxwaynaha cusub iyo xisbigiisu waa in aanay eegan in arrinku sidaas sii ahaado. Qaar ka mid ah talooyin la soo jeediyey kulammo qaran oo dhawr ah waxay ahaayeen: In loo qoondeeyo kharash intii hore ka badana hawlgalka sháqaalaha waaxda garsoorka. In ay lean damaanad shaqo garsoorayaashu aqoon sare leh iyo hawlgabba.
5. Ammaanka:
1. Arrimaha Sool iyo bariga Sanaag waa in si degdeg ah loo galo. Kooxdu waxay u arkaan in Madaxwaynuhu ku habboon yahay faro-gelinta hawshan, waxaanay u soo jeedinaynaa Inc. Si toos ah u furo wada hadal sida ugu dhaqso badan lagula xaajoonayo jilayaasha iyo hoggaamiyeyaasha gobolladaas. Waa muhiim in la raadiyo dadka masuuliinta ah ee shacabkooda u naxaya saamayn ku leh.
2. Waxaa kaloo muhiim ah in farta lagu fiiqo arrimaha dhulka sida dhibaatada Ceelberdaale.
3. Dhibaatada kacdoonnada Koonfurtu way soo goboloobayaan waana in ay iskaashi kala yeelatoSomaliland waddamada deriskaee ay isku arragtida yihiin si looga hortago khatarahaas.
6. Election:
1. In degdeg loo Biaalbo doodo qaran oo laga yeesho doorashada, xulashada ama magacaabista Aqalka Guurtida.
2. Hirgelinta ballanqaadkii ololaha ee ka go’naanta in la raaco xeerka doorashada golaha degaanka lana bilaabo ururro siyaasadeed cusub.
7. Dakhliga dawladda:
Waa in ganacsatada awoodda leh laga laga qaybgeliyo kobcinta iyo ballaadhin lahaa aasaaska dakhliga xukuumadda. Waa in laga qaybgeliyaa habraaca xal waqti dheer lagu Heli lahaa. Xukuumadda cusubi waxay u baahan tahay xaqiijinta ahmiyadda hantida guud sida Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Dekedda Berbera.
8. Iskaashi Caalami ah:
1. Waa in loo dejiyaa istraatejiyad sugan xidhiidhka iskaashiga iskaashi caalamiga iyo in lagu jiheeyo qurba-joogga Somaliland ka midho dhalinta istratejiyadaas.

