Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

Somalia - War

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo beeniyay inuu isku dhiibay Shabaabul.

Warkamaanta) July 22, 2010. "Waxaan ka maqlay Idaacadaha Muqdisho war uu siidaayay mid ka mid ah xubnaha Al-shabaab oo ah inaan isku dhiibay, hadalkaas waa been aanay waxba ka jirin."

 

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo beeniyay inuu isku dhiibay  Shabaab.

 (HOL, July 21, 2010) − Taliyaha ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya G/sare C/llaahi Cali Caanood ayaa maanta beeniyay inuu isku dhiibay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin isagoo ka jawaabayay hadal kasoo baxay Afhayeenka dhanka howlgallada ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Sarkaalkan ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin sheegashada Xarrakatul Shabaab ee ah in isaga iyo ciidamo kale oo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ay isku dhiibeen Xarrakatul Shabaab, taasoo uu sheegay inuu ka maqlay warbaahinta.

"Waxaan ka maqlay Idaacadaha Muqdisho war uu siidaayay mid ka mid ah xubnaha Al-shabaab oo ah inaan isku dhiibay, hadalkaas waa been aanay waxba ka jirin, mana garanayo sababta ku kalliftay mas'uulkaas inuu sidaas u hadlo" ayuu yiri Col. C/llaahi Cali Caanood.

Afhayeenka Howlagallada ee Xarrakatul Shabaab oo saxaafadda la hadlay xalay ayaa sheegay in askar ka mid ah Ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada kana amar qaata C/llaahi Cali Caanood ay iskusoo dhiibeen ciidamadooda, dhawaanna ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan.

Taliyaha ciidamada Ialaalada Madaxtooyada ayaa shir jaraa'id oo uu maanta qabtay ku sheegay inaysan jirin wax iska badalay mowqifkiisa, uuna u arko hadalka kasoo baxay Sheekh C/casiis Abuu-Muscab mid ay ku doonayaan inay ku sheegtaan awood aan jirin.

Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxaa u dhexeeya dagaal gacanta ah iyo mid afka, waxaana hadalkan uu kusoo beegmayaa iyadoo ay dagaallo khasaare badan dhaliyay maalmihii lasoo dhaafay ku dhexmareen waqooyiga Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Muqdisho, Soomaaliya

Add comment


Security code
Refresh

WM Weekly

Web Marketing

Somaliland

Latest Articles: War

Warkamaanta English

Somalia

Copyright © 2010 Warka Doorashada. All Rights Reserved.
Joomla! is Free Software released under the GNU/GPL License.